spot_img
spot_img

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun ee G.Ged

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Xarakada Al-Shabab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamad kenya ay ku lahaayeen deegaanka Faafaxdhuun ee G.Gedo.

Weeraarkaan ayaa lasheegay inuu ku bilowday madaafiic ay is weedaarsadeen laba ciidan kadibna uu isku badalay weerar foolka fool ah

Daagaal yahanada Al-Shabaab ayaa la sheegay in isku dayeen iney gudaha u galaan xerada ay ciidanka Kenya balse lama hubo iney usuurto gashay iney la wareegeen xerada ay weerareen.

Saaraakiisha ciidamad dowlada ee ku sugan deegaanka ayaa iftinews.com u xaqiijiyay iney iska difaaceen weearakii ka yimid dhanka dagaal yahanada Al-Shabaab ayna dib iskaga laabteen deegaanka Faafaxdhuun ee G.Gedo.

Majiro wax war oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay Faafaxdhuun balse waxa lasoo warinayaa inuu jiro qaasaro soo kala gaaray labada dhinac oo halkaas ku dagaalantay.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!