Dagaal ka dhacay saldhig ciidamada Somaliland ay ku lahaayeen Ceerigaabo.

0
411
0 0
Read Time:34 Second

Ciidamo u abaabulan qaab Jabhad oo uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ayaa la sheegay in ay  xalay weerar ku qaadeen  saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Weerarka oo xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa la sheegay in uu sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegayaa in ay iska caabin kala hortageen Jabhadda weerarka ku qaadday Saldhigga.

Ciidamada uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ayaa waxaa ay dib ugu laabteen saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %