Dagaal culus oo dhaxmaray xoogag ka kala tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Bari iyo Daacish oo lagala wareegay G…..

Dagaal la isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa ka duwan oo u dhaxeeya Dalayahanada Daacish iyo Al-Shabab ayaa ka socda degaan lagu magacaabo
Ceelka Miraale oo 71km u jira ujira xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad deegaanka waxa jiro qasaaro soo kala gaaray labada dhina ee ku dagaalamaya deegaanka .

Ila wareedyo ayaa ku waramaya in Al-shabab ay weraar culus ku qaaday deegaanka Ceelka Miraale oo 71km u jirta magaalada Boosaaso si ay kala wareegaan dagaal yahanada Daacish oo halkaas ku sugnaay.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Maamulka Puntland,Cabdi Xasan Xuseen  (Cabdi Yare) o uwarramayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu  dambeeyay ee Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannadaasi uu jab  xooggan ka soo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen tiro badan oo dagaalyahanno ah.

Daacish oo layad Gacan ku haynta degaannada lagu dagaallamay ayaa la  sheegayaa in ay haatan la wareegeen Al-Shabaab, waloow ay weli is  hor fadhiyaan Labada dhinac.

Al-shabaab ayaa horey uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Daacish oo la sheegay in ay isku hayaan maamulka deegaannada ay ku wada sugan yihiin.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan