Dad Hor Leh Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo Laga Fuliyay Gobolada Kyiv

Date:

Share post:

Toban qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa ku dhintey duqeymo ka dhacey gobolada Kyiv iyo Luhansk ee dalka Ukraine, labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Toddobo qof oo rayid ah, ayaa ku dhintey shan kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii madaafiic lagu garaacey magaalada Makariv ee gobolka Kyiv 18-kii bishan Maarso.

Ciidamada booliiska ee Kyiv, ayaa kusoo gudbiyey warbixintan Facebook-ga, iyadoo markaa kadib lasoo xigtay.

Haweeney iyo laba carruur ah, ayaa meydkooda laga helay burburka guri kusoo dumay, kadib duqeymo ka dhacey magaalada Rubizhne ee gobolka Luhansk 19-kii bishan Maarso, sida ay kusoo gudbisay adeegga gurmadka degdega ah ee gobolka aaladda Telegram-ka..

Ilmo saddexaad ayaa sidoo kale laga soo saarey burburka, iyadoo xaaladdiisa aaney halis aheyn.

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
spot_img

Related articles

Mukhaadaraad Iyo Dadkii Ka Ganacsanayey Oo Lagu Qabtay Howlgal Laga Fuliyay Muqdisho

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa maandooriyaha iyo dhallinyaro...

Dad Hor Leh Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo Laga Fuliyay Gobolada Kyiv

Toban qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa ku dhintey duqeymo ka dhacey...

Guddigii soo xula kuraas laba ah oo la shaaciyay

Guddigii soo xula kuraas laba ah oo la shaaciyay Guddiga maamulka doorashada Jubbaland ayaa xalay shaaciyay laba kursi iyo...

Siciid Abdillahi Deni Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne

madaxweynaha maamulka Puntland ayaa caawa magaalada Garoowe uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya,...
error: Content is protected !!