-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Dabley hubeysan oo rasaas hugisay gaari ay saarnaayeen dad shacab degaanka Ceelasha Biyaha

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:39 Second

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha biyaha ee Gobalka Shabeelaha hoose,ayaa sheegaya in halkaas ay kooxo hubeysan ay xalay ay rasaas ku fureen gaari ay saarnayeen Dad Shacab ah oo marayay deegaanka Ceelasha biyaha.

Sida ay nooxaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugnaay halka kuu falka ka dhacay ayaa iftinews.com u sheegay in kooxda hubeysan ay doonaysay in ay istaajiyaan gaari, Balse Darawalka gaari uu arintaasi ka biiyo diiday, iyadoona taasi ay keentay in rasaas lagu furo gaadiidka ay saarnaayeen dadka Shacabka ah.

Hal qof ayaa ku geeriyooday, halka sedex kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii rasaas ay fureen koox ku labisneed dareeska Ciidanka Militariga Soomaaliya sida ay  u sheegeen dadka Deegaanka.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geystaan koox aan heybtooda la garan.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!