spot_img
spot_img
0 0

DAAWO: KHEYRE oo ballan-qaad dhanka wax barashada u sameeyay caruurtii ku agoontoomay qaraxii 14-ka OCTOBER

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 7 Second

Muqdisho (iftinews network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, diinlaawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in diinlaawayaashu aysan ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Kooxaha argagaxisada ah ayaa niyadda ku hahay in weerarkii October 14, 2017 ay tirtiri karaan dawladnimada, damin karaan iftiinka, dunidana u sheegi karaan in Soomaaliya aysan amni ahayn hase yeeshee taa bedelkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay ka heleen Midnimo, horumar, deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto fikirka gurracan.

 xigasho caasimada.net

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!