Cudurka Covid-19 Oo Saameyn Balaaran Ku Haaya Deegaanada Somaliland

0
221
0 0
Read Time:39 Second

Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Somaliland uu kusoo laba kacleeyay cudurka halista badan ee Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullahi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah, una markale kusoo laabtay dalal ku yaalla caalamka, ayna jirin weli daawo rasmi ah oo loo helay.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cumar Cali Cabdullaahi ayuu qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool deegaanada Somaliland ugu baaqay inay sameeyaan taxadir dheeraad, si looga hortego Cudurka, ayna qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Awdal ay ku wareejiyeen gaari nooca gurmadka deg-dega ah iyo agabyo kale, sidoo kalena ay Xarumo Caafimaad ka dhisayaan Magaalada Boorama.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %