Courtois ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis ku fikirin inuu u ciyaari doono ‘kooxda adduunka ugu fiican’

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Goolhayaha Real Madrid Thibaut Courtois ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis ku fikirin inuu ku dhamaan doono u ciyaarista ‘kooxda ugu fiican adduunka’.

Courtois, oo Real kaga soo biiray Chelsea 2018, ayaa ku tilmaamay u ciyaarista kooxda reer Spain ‘riyo u rumowday’,

Waxa uu bogiisa Instagram ku qora ‘Waxaan bilaabay goolhaye markii aan jiray 11 sano tan iyo markaasna waxaan hami ku hayaa madaxayga, laakiin waligey kuma fikirin inaan u ciyaari doono kooxda ugu fiican adduunka. Waa riyo rumowday.

28 jirkaan ayaa ka jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen taageerayaashiisa sheekooyinka Instagram.

Inkasta oo uu dhaawac yar oo dhabarka ah kaga baxay xulkii Belgium, waxaa la filayaa inuu taam u noqdo kulanka Real marka ay soo laabato kulanka Cadiz ee 17-ka October

Ka dib markii uu ka soo bilaabay Genk, Courtois wuxuu u dhaqaaqay Chelsea 2011 laakiin waxaa amaah lagu siiyay Atletico Madrid seddex sano, halkaasoo uu kula guuleystay LaLiga, Copa del Rey iyo Europa League, halka uu sidoo kale gaaray finalka Champions League ee 2014, halkaasoo ay Atletico ku garaacday Real.

Courtois wuxuu sii waday inuu u ciyaaro Chelsea 154 jeer, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo League Cup.

Tan iyo markii uu u dhaqaaqay Real wuxuu ku darsaday koobkiisii ​​cajiibka ahaa, isagoo kula guuleystay horyaalka LaLiga xilli ciyaareedkii hore.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!