spot_img
spot_img

Ciidanka Booliska Somaliyeed oo Baadi Goobayo Eedeysane Baxsed Ah iyo Dad la weydistay in ay garab ka siyaan Booliska (Maxa loo heestaa eedeysanaha La baadi goobayo?).

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa baahiyay muuqaal iyo magac la sheegay in uu yahay Baxsad balse loo maleynayo in uu ku sugan yahay gudaha soomaaliya ama somali Galbeed Itoobiya.

Qoraal uu baahiyay Taliska Booliska Somaliyed ayaa dhamaan shacab weynaha somaliya looga codsaday in Booliska la baadi goobaan Eedeysane C/xakiim C/Salam Adan , Balse Boliska ma sheegin dambiga uu ku eedeysan yahay Ruuxa la baadi goobayo.

HOOS KA AKHRISO FARIINTA BOOLISKA

Wanted. (Eedeysane Baxsad ah).

Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysane Cabdi Xakiim Cabdisalan Aadan, kaas oo Sawirkiisa halkaan idinkaga muuqdo.

Cidii aragta hanagala so xiriirto tel 991 gudaha dalka ama baraha bulshada, iyada oo macluumaadkiisa loo gudbinayo xarumaha Boliiska ee kuugu dhaw, ama xiriirada Baraha bulshada.

9

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!