spot_img
spot_img

Ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo oo la geeyey Dagmada Doolow ee gobola Gedo.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dowladda Soomalaiya ayaa la sheegay in xalay xilli dambe degmada Doolow ee gobolka Gedo geysay ciidamadii maamulka Jubbland ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Doolow ayaa KNN u sheegay in gaadiidka waaweyn ee Soomaalidu u taqaano Waaraadka lagu daabulay ciidamada, isla markaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taalla degaan u dhow Doolow oo lagu magacaabo Buundo-Garas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaas ay dhawaan booqan doonaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan tegaya gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo ciidamadaas dagaalka lagu qabtay, hasa yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhawaan loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Degmada Beled-Xaawo oo ciidankan lagu qabtay maalin ka hor waxaa ka dhacay dagaal dad badan ay ku dhinteen oo halkaas ku dhexmaray ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan wasiirka amniga Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey Gedo.

In ka badan 30-of ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, halka ugu yaraan 40 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada qaar la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Dadkii lagu dilay dagaalkaas oo dhacay Isniintii waxaa ka mid ahaa Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo 14 qof oo isku qoys ahaa.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!