spot_img
spot_img
0 0

Ciidamadda Amniga oo gacanta kusoo dhigay guddoomiyaha Al Shabaab ee deegaanka Basra Macalin Daahir iyo xubno kale

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:39 Second
Wararka aan ka heleyno  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya Ciidamadda Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Afyaraani.

Ciidamada is garabsanaya ayaa weerar ku qaaday deegaanka loo yaqaano Afyaraani oo ah deegaan uu ku hareereysan yahay Wabiga Shabeelle,ciidamada weeraray deegaanka ayaa la xaqiijiyay iney wateen diyaarad gaar ah la sheegay inay u degteen deegaanka.

Ciidamadda ayaa beegsaday hoyga Guddoomiyaha Xarakadda Al Shabaab ee deegaanka Basra, nin magaciisa lagu sheegay Macalin Daahir.

Intuu howlgalka socday ciidamadda ayaa la kulmay iska hor imaad waxana la sheegay in qasaaro uu jiroaya,iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay guddoomiyaha Al Shabaab ee deegaanka Basra Macalin Daahir.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo loogu hadlaayo howlgalka ka dhacay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeela.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!