-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Ciidamada Soomaaliya iyo Mareekanka oo Howlgal ka fuliyay Sh.Dhaxe,iyo Xubno Al-Shabaab oo nolol lagu qabtay.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:58 Second

Ciidamada dowlada fadaraalka ee Soomaaliya oo kaa shanaya dhigooda Mareekanka oo markii magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano Africom ayaa howlgal wada jir ah oo iskugu jira Dagaal iyo Duqeymo toos ah ka fuliyay xalay deegaano hoos yimaado dagmada Balcad ee Gobolka Sh. Dhaxe.

Howlgalkaan oo ku bilowday Duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaadaha Mareekanka ayaa lala eegtay deegaanka Basra iyi Daniga oo hoos taga Dagmada Balcad, waxaana lagu soo waramayaa in la dilay ku dhawaada 25 ka tirsan Al-Shabaab, Halka lagu dhaawacay 15 xubnood, Laguna qabtay Ragg ay ka mid yihiin Ajaanib ka Barbar dagaalamayay Al-Shabaab.

Odowaay Yusuf Raage Taliyaha ciidamada Xooga ayaa sheegay in howlgalo saacado qaatay lagu dilay hor-joogayaa ka tirsan Al-Shabaab una qaabilsanaay deegaanada u dhaxeeya Af-gooye iyo Balcad,sidoo kalana la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale warbaahinta Dowlada ayaa shaacisay in fadhiisimo kooxda Al-shabab lagu burburiyay howlgalka , lana sii daayay maxaabiis u xirnaay al-shabaab,sidoo kale ciidamada Dowlada ayaa gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah iyo Horjoogayaashoodii.

Ma jiro warar madax baan oo laga helayo howlgalkaan oo ah midkii ugu dambeeyay oo ay wada fuliyaan Ciidamada xooga iyo Africom .

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!