spot_img
spot_img
0 0

Ciidamada mucaaradka ee ku sugnaa Wadada Cabdiqaasim oo baneeyay goobahii ay dowlada ka qabsadeen ( xageey u guureen)?.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:39 Second

Sida ay sheegayaan wararka ciidamo ka tirsan kuwa mucaaradka oo taageersan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, islamarkaana ay hoggaaminayaan Saadaq Joon iyo Indhacadde ayaa xalay isaga guureen nawaaxiga madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim degmada Hodon.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, ayaa sida la sheegay waxay dageen xaafadda Siigaale oo ka tirsan isla degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ay fariisimo ciidan ka samaysteen.

Shacabka ku nool xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, ayaa sidoo kale lagu soo warramay in ay xalay saqdii dhexe barakac xooggan sameeyeen, kadib markii ay ka war-heleen ciidamada mucaaradka ee dushooda soo degay.

Dhinaca kale, Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furay wadooyinka Km4 Iyo Tarabuunka, halkaas oo horay ugu sugnaayeen ciidamada taabacsan Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, General Indhacadde iyo Saadaq John.

 

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!