spot_img
spot_img

Ciidamada Itoobiya ee jooga Gudaha Soomaaliya oo bilaabay iney Dhaxdooda Dagaalamaan.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka aan ka heleyno Gobollada Hiiraan iyo Geddo ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya ciidamado ka wada tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan deegaanadaas,kadib markii ay saameyn ku yeelatay dagaalada ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Inta la xaqiijiyay laba dhacdo ayaa laga soo kala warinayaa magaalooyinka Baardheere iyo Baladweyne,kadib markii uu dagaal ku dhax maray ciidamo ka wada tirsan itoobiya oo sameyn xoogan ku yeelatay colaada dalkooda ka socota.

Dagmada Baardheere ayaa lagu soo waramayaa in halkaas ay isku rasaseyeen laba askari oo kawada tirsan ciidanka itoobiya,falkaas waxa ku dhintay hal askari halka kii kalane uu dhaawac ahaan ugu dhintay xerada ciidanka.

Dhanka kale magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxa la soo sheegayaa in halkaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada itoobiya ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Magaalada Baladweyn.

Dhawaan ayeey aheed markii ciidamada itoobiya ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool lagu sameyay hub ka dhis, halka Boqolaal askari ee kasoo jeeda qowmiyada Tigrey la soo xiray,qaarna dib loogu celiyay Dalkooda.

Lama oga colaada ka taagan gudaha dalka Itoobiya halka ay sal dhigan doonto,macluul iyo tacadiyo bani,aadannimo ayaa laga soo warinayaa gobolka Tigrey.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!