spot_img
spot_img

Ciidamada Booliska magalada Baydhabo oo rasaas noonol ku kala eryay Banaan baxayaal taagerayay Muqtaar Roobow

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Ciidamada Booliska ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kala eryay banaan baxayaal iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaaladaas

Dadka iskugu soo baxay wadooyinka ayaa ku qeylinayay ereyo lagu taagerayo Musharaxa Muqtaar Roobow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Sawirro laga soo qaaday oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad badan oo waddooyinka marayay, kuwaasoo ku qeylinayay hadal taageero u ah Mukhtaar Roobow iyo in Xildhibaanada Koofur Galbeed ay tixgeliyaan codsiga shacabka.

Inta badan shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed somalia ayaa taagero buuxa u haya wadaadka hase yeeshee waxa uu wajahayaa tartan adag oo kala dhaxeeya musharaxiin kale oo ay garab siineyso Dowlada dhaxe.

Taliska Booliska Gobolka Baay ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah dadka dibad baxyada ku dhigaya magaalada, waxaana ay uga digeen shacabka inay qabtaan banaan bax aanay fasax u heysan.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!