Ciidamada amaanka ayaa xiray Ganacsato la kulmay Al-shabaab.

0
145
0 0
Read Time:33 Second

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada amaanka xabsiga u taxaabeen Ganac-sato la kulmay Al-shabaab.

Ganacsatadan  ayaa waxaa lagu qabtay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay Al-Shabaab kala soo hadleen sidii cunoqabeynta looga qaadi lahaa degmadaasi.

Talaabadan ayaa sidoo kale ay keentay in maanta gabi ahaanba uu hakad ku yimaado  isku socodka ganacsiga degmada Balad-Xaaw ee gobolka Gedo.

Dad la hadlay weheliye.com ayaa sheegay in maanta  la xiray dhamaan goobaha ganacsiga degmada Beled-xaawo, iyadoona arrintaasi looga soo horjeedo xariga ganacsatada ah.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %