Mar 20 (weheliye Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Doorashada Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini, isagoo xubinimada Gudiga u Magacaacabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).
Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii guddigaas uu xalay soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo kamid kuraasta taalla Baladweyn.
Talaabadan kahor, Page-ka Facebook ee Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa laga saaray warqad lagu shaacinayay guddiga xulista saddex kursi uu ku jiro #HOP135 oo aan aheyn odayaashii saxda ahaa, kursigan waa midla ay ku fadhiso xildhibaan Aamina oo ay Viladu dadaal galineyso sidii tartanka looga reebi lahaa.
Guddoomiyaha Guddiga ee xubinimada guddiga laga saaray Axmed Xasan Diini ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay shaacinta liiskaas been abuurla ah, isagoo heshiis la galay Musharax gaar ah oo diidan inuu tartan furan galo.
Madaxtooyada Hirshabelle ayaa ku tilmaamtay liiskaas la shaaciyay mid been abuur ah oo dhowaan la shaacinayo liiska saxda ah, lalana xisaabtami doono cidii ka dambeysay been abuurkaas.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhowaan ballan qaaday in kuraasta hartay ee Beledweyne taalla uu tartan furan ka dhici doono, iyadoo maalmo ka hor kuraas dhowr ah lagu tartamay. Hirshabelle ayaa ah maamulka kaliya ee labada aqal ee Baarlamaanka ay ka dhacday tartan doorasho.