C/raxmaan Odawaa “Qalbi Dhagax habeenkii la dhiibayay iyo caawa kala faraxsan”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa soo dhoweeynayo in C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax uu dib u helay xoriyaddiisa.

C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in kala farxad badan habeenkii la dhiibayay iyo caawa oo uu dib u helay xoriyaddiisa.

“Waxaan si farxad leh u soo dhawaynayaa inuu walaalkeen C/karin Qalbi-dhagax inuu xorriyaddisa maanta dib u helay isaga oo aan abaal uga hayn intii gacan ka geysatay dhiibidiisa sanad ka hor”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

“Madaxweyne Farmaajo wali fursad baa u furan oo uu shacabka Soomaliyeed iyo Qalbi- dhax ku waydiisto Cafis”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

C/raxmaan Odawaa ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee sida weyn uga soo horjeestay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax, sidoo kale waxaa uu horay u duray in qaraarkii Baarlamaanka Federaalka ee sharci darro ka dhigay dhiibidiisa aan lagu lifaaqin mas’uuliyadda cida leh, isagoo fadhigii Baarlamaanka ka sheegay in haddii dhiibidiisa aysan ogeyn Madaxda ay tahay musiibo, haddii ay ogaayeen ay musiibo ka weyn tahay.

Waxaa uu xilligaas sheegay in waxa kaliya ee uu qoyska Qalbi Dhagax u tari karo ay tahay inuu Bil mushaarkiisa u hibeeyo.

Bishii August ee sanadkii hore ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Qalbi Dhagax Itoobiya, waxaana arrintaas sababtay in dowladda Soomaaliya ku weysay taageero badan, isla markaana qaabkii ay u dhacday dhiibistiisa ka dhalatay carro xoog leh oo eedeymo loogu soo jeediyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.