C/casiis Lafta-gareen Oo Gudoomiye Cusub u Magacaabey Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Lafta-gareen ayaa xilalkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo ku-xigeenadiisa kuwaasi oo noqonaya Mas’uuliyiintii ugu horeysay ee uu xilalka ka qaado.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Shabeelaha Hoose uu soo Magacaabey Ibraahim Najax oo horey Xilkaan ugu qaaday Shariif Xasan ka dib Cabashooyin ka yimid Shacabka Gobalkaasi inkastoo uu ka soo muuday Xiligaas golihii Xukumada ee koonfur Galbeed.

Magacaabistaan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu sameeyay Madaxweyne Lafta-gareen tan iyo markii uu la wareegay xafiiskiisa.

Halkaan Ka Akhriso:-

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan