spot_img
spot_img

Baydhabo: 2 Murashax Oo ka mid yahay murasharax ay dowlada wadato Maanta Khudbeyneysa,Muqtaar Roobow oo laga reebay doorashada

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Jadwalka Hadal jeedinta doorashada koofur galbeed Soomaaliya waxa maanta lagu wadaa in ay khudbadooda Waxqabad ay ka hor jeediyaan Baarlamanka Koofur galbeed.

Labo Musharax ayaa lagu wadaa in khudbadooda wax qabad ay jeediyaan, labada musharax ayaa kala ah Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo  Sayid Axmed Sheekh Daahir, waxaa muuqato in Roobow tartanka laga reebay.

Shalay, guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Koonfur galbeed ayaa si habsami leh uga socoto magaalada Baydhabo.

Waxa isha lagu hayaa hadal jeedinta musharaxa sida gaarka ay dowladda u wadato.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!