spot_img
spot_img

Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay Magaalo ka tirsan Soomaaliya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Maamulka Jubbaland ayaa Bandow habeenkii ah ku soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, kaddib markii ay korortay saameynta ay ku yeelatay cudurka Coronavirus.

Bandowga ayaa ku aadan ka hortagga faafida cudurka Coronavirus oo muddooyinkii ay dad ugu dhinteen magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in bandowga uu dhaqan galayo habeenkii marka saacada tahay 8-da fiidnimo.

Waxaa la sheegay in shalay kaliya magaalada Kismaayo laga diiwaan geliyay dhimashada illaa labaatameeyo ruux.

Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in iskuulada iyo goobaha waxbarashada in la xiro.

Shaqaalaha hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa la faray in la yareeyo, isla markaana kuwa aan looga maarmin ay soo qaataan af xirka.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!