Banaanbax looga soo horjeedo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Hir-shabele oo ka dhacay Dagmada Buulo-Burde ee  gobolka Hiiraan.

0
290
0 0
Read Time:35 Second

Wararka aan ka heleyno Dagmada Buulo-Burde ee  gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka banaanbax uu ka dhacay gudaha degmadas.

Dibadbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo la sheegay in saacadaha soo socda uu safar ku tagi doono Degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan.

Dadweyne aad u fara badan  ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, kuwaas oo gubayey taayaro, kuna qeylinayey erayo ka dhan ah maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in  dadka banaanbaxa dhigaya ay kasoo horjeedaan Maamulka Cusub ee degmadaasi ay u magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Hir-Shabeelle, iyaga oo dhagxaan iyo birar ku jaray qaar kamid ah wadooyinka Buulo Burde.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %