Banaanbax looga soo horjeedo caleema saarkii Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gobolka Gedo.

Muqdisho(weheliye Online).Dibadbax ballaaran oo laga soo horjeedo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey xarunta gobolka Geddo.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen waxgradka Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb gala boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaa ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warfidiyeenka ayaa eedeyn xoogan u jeediyey dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaasi, gaar ahaan Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan dooraashadii ka dhacday Kismaayo, iyagoo tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.

Dibadbaxani ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee degmada Garbahaarey oo weli hakad ku jira.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ka heysan wax taageero ah, tan iyo markii uu qabtay hoggaanka Jubbaland.

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan