spot_img
spot_img

Baladweyn:Xubno ka tirsan G.Hiiraan oo xilalkii laga qaaday iyo mas’uuliyiin cusub oo loo magacaabay.

Must read

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa xilkii looga qaaday xubno ka tirsanaa maamulka gobolka Hiiraan, sido kale waxaa xilalkaa-na loo magacaabay xubno kale oo cusub.

Qoraalka uu soo saaray Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka gobolka Xusseen Cismaan Cali, iyo Xoghayihii gobolka Cabdixakiin Maxamed Xassan.

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabduqaadir Maxamed Arwaax halka xoghayaha maamulka gobolka loo magacaabay Cabdirisaaq Cali Weerar.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu magacaabay madaxa samafalka iyo maareynta masiibooyinka degmada Maxaas oo loo magacaabay Cali Cismaan Maxamed.

Maamulka Hirshabeelle ayaa inta badan isku shaadheyn ka sameeya G.Hiiraan iyado is weydiin mudan tahay sabsabta isbadalka uugu baahanyahay gobolka hiiraan kaliya oo aysan uga dhicin isbadalka G.sh.dhexe

 

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!