spot_img
spot_img
0 0

Baarlamaanka oo isku raacay in la badalo calanka iyo magaca Ismaamulka Soomaalida

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:46 Second

Baarlamaanka dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida oo fadhi ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa qaatay go’aamo masiir ah, iyaga oo isku raacay in la badalo calanka iyo magaca ismaamulka Soomaalida.

Dhinaca kale baarlamaanka ayaa doortay afhayeen cusub oo noqonaya ninka lagu magacaabo Maxamed Aadan Ugaas, waxaa sidoo kale guddoomiye ku-xigeen loo doortay in uu noqdo Cabdullaahi Siciid Cumar

Magaca dowlad deegaanka ayaa wixii hadda ka danbeeya noqonaya ‘’Dowlad deegaanka Soomaalida’’ iyadoo meesha laga saarayo Itoobiya, iyaga oo sidoo kalana qaatay iskuna raacay uu ka muuqdo midabka buluuga ah ee xidigta shanta gees.

Xubnaha baarlamaanka waxay in muddo ah ka doodeen wax ka beddelka heesta calanka iyo maalinta fasaxa, waxayna ugu dambayntii ku heshiiyeen in arrimahaas loo saaro guddi ka soo talo bixiya waxa laga yeelayo.

Qorshayaashan ayaa la hadal hayey tan iyo markii uu hogaanka qabtay Mustafe Cagjar oo ah madaxweynaha ku-meel-gaar ah ee dowlad deegaanka Soomaalida ahna madaxweyne ku-xigeen.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!