Baaritaan gaar ah oo lagu bilaabay haweeney Dhaqtarad itoobiyaan ah oo iska tuurtay fooq ku yaalla magaalada Garowe

0
166
0 0
Read Time:46 Second

Ciidanka Booliska magaalada Garowe ayaa baaritaan rasmi ah ku bilaabay Gabadh Dhaqtarad Itoobiyaan ah oo la sheegay in xalay ay iska tuurtay daar dheer oo dabaq ah,taas oo ku taallo Magaalada Garowe.

Haweyneyda ayaa magaceeda la sheegay DR: Nadia Omar
Ayaa u dhalatay dalka Itoobiya, gaar ahaan ismaamulka Amhaarada,waxana la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus.

Dr:Nadia Omar ayaa la sheegay in ay ka howl gali jirtay magaalada Garowe,waxana la sheegay in uu qabay nin u dhashay dalka suuriya,lamanaha ayaa labadaba ka howl galo magalada Garowe.

Dr: waxa ay ku taqaqustay cudurada haweenka ,waxa ayna aheed dhaqtarad Muslim ah oo aad loogu yaqaanay gudaha magaalada Garowe,ayida oo horaantii sanadkaan ka tagtay isbitalka Qaran ee ay ka howl gali jirtay.

Dadka deegaanka ayaa aad ula yaabay sababta ku kaliftay in ay falkaan ku dhaqaaqdo,balse ciidanka dabi baarista puntland iyo laama amaanka ayaa gacanta ku haya kiiska Dhaqrada.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %