Arsenal oo bisha Janaayo amaah ku diraysa xidiga Mesut Ozil…

0
184
0 0
Read Time:1 Minute, 1 Second

Ciyaaraha(WeheliyeOnline).Sida ay warinayaa wargeys-yada ka faalooda ciyaaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rajaynaysa in ay si rasmi ah amaah ku dirto xidiga Mesut Ozil suuqa bisha Janaayo ee sanadka cusub 2020.

Xiddiga heerka caalami ee ka ciyaara khadka dhexe ee reer Jarmal ayaa la la xiriirinayaa inuu yahay laacib kale oo ka tagi kara garoonka ay Arsenal ku ciyaarto Emirates ee Waqooyiga London.

Arsenal ayaa eegeysa inay amaah ku sii dayso ciyaaryahankeeda Mesut Ozil marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xididgaha bisha Janaayo, sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail.

Ozil ayaa lumiyey inuu safka hore ugu soo bilowdo Gunners tan iyo markii uu yimid macallin Unai Emery, waxaana uu ahaa mid aan xitaa lagu soo darin shaxda kooxda Arsenal kulankii adkaa ee Isniintii ay barbaraha la galeen Manchester United oo ay booqdeen.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Jarmalka ayaa amaah uga bixi doona Gunners, inkastoo aysan Arsenal hubin inay heli doonaan koox diyaar u ah oo bixinaysa mushaharka uu haatan isbuucii qaato oo ah 350 kun oo gini.

Illaa iyo hadda lama sheegin kooxda uu u dhaqaaqi doono Ozil, laakiin Arsenal ayay ka go’an tahay inay amaan ku diraan bisha Janaayo si kooxda uu ku biiro ay u bixiso mushaharkiisa.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %