Al-shabaab oo markii ugu horeysay Ka Hadlay Sababta ay u Beegsadaan Hoteeladda Muqdisho!

Al-shabaab ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo dilalkii maalmihii ugu dambeyay ka fuliyeen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka shabaab Cali Maxamuud Ragge(Cali Dheere), oo la hadlayay warbaahinta ku hasha af- Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanadda Shabaab ay kordhiyeen dilalka iyo qaraxyadda ay ka fuliyaan Magaaladda muqdisho, bishaan Maarso.

Waxa uuna intaa raaciyay in qaraxyadii ugu dambeeyay ee Magaaladda  Muqdisho ka dhacay lagu dilay saraakiil iyo shaqaale ka tirsanaa Dowladda Federaalka Somaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay Sababta ay Al-shabaab marwalba u weeraraan qaar kamida hotelladda waaweyn ee kuyaal magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Hoteelo waa weyn ay Magaaladda Ku yaalaaan,islamarkaana aysan shabaab weerarin,balse hoteeladda la bartilmaameedsado ay yihiin kuwa waxyaabo xun lagu sameeyo.

Wuxuuna wacad ku maray in howlgallada ay dagaalyahanadoodu ka wadaan caasimadda ay sii xoojin doonaan ayna meel walba ku beegsanayaan askarta dowladda iyo ciidamada shisheeye.

Al-shabab ayaa kordhiyay werarada ay ka geystaan magalada muqdisho,waxana inta badan qasaaro lixaad leh ay kasoo gaartaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan