spot_img
spot_img

Al-shabaab oo duqeyn a ku dilay askar ka tirsan ciidamada Burundi ee ku sugan Gobolka Sh.Dhaxe.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa madaafic ku garaacay saldhig ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee Burundi,saacadihii lasoo dhaafay.

Al-shabab ayaa sheegtay in tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhigyada ay ciidamada burundi ku leeyihiin degmada Mahadaay iyo deegaanka Biya cadde oo hoostaga degmadaas.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegay in duqeyntaas shan askari oo ka tirsan ciidamada  burundi ku dhinteen tiro kalane ay ku dhaawacmeen, islamarkana kuwii uu dhaawaca soo gaaray lagu qaaday diyaarado Elecobtar ah sida ay Al-shabaab war qoraal ah oo ka soo baxay ay ku sheegeen.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!