Al-Shabaab oo burburiyay anteenooyin ay leedahay Shirkad Isgaarsiineed

Sida laga soo xigtay Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in Dagaal yahano ka tirsan  Al Shabaab ay burburiyeen anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

Sida la xaqiijiyay Al-shabab ayaa anteenooyin ku xiray miinooyin kadibna qarxiyay oo ay gabi aahanba Burbureen,waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa

Waxaa uu  sheegay anteenooyin  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta degaankaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Inta badan Al-Shabab ayaa burburiya Anteenooyinka ay leedahay shirkada isgaarsiinta ee Ugu weyn dalka Kenya ee lagu Magacaabo Safaricom.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka shirkada Safaricom oo ku aadan qasaaraha ka dhashay burburinta loo geystay Anteenooyinka shirkadda Safaricom.

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan