spot_img
spot_img
0 0

Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel cadde ee Gobalka Gedo.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:45 Second

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel cadde ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmaray Al-shabab iyo Daacish.

Dagaalka oo bilowday shalay ayaa la soo sheegayaa in uu socday ilaa xalay, waxana lagu soo waramayaa in halkaas uu ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dagaalamayaasha

ku dhawaad 10 dagaalame ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen dagaalka u dhaxeeya Al-shabab iyo Daacish, sida aan ku heleyno wararki ugu dambeeyay ee deegaanadaasi naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu iclaamiyay Afhayeenka Al-shabaab in dagaal lala galo dagalamayaasha Daacish.

Dagaalka ayaa saameeyay shacabkii ku noolaay goobaha lagu dagaalamayo.

Meydka labo wiil oo dadka degaanka ah ayaa laga helay halka loo yaqaano Lahelow ee Gobalka Gedo.

Magacyada wiilasha meydadkooda la helay waxaa lagu sheegay Cabdullahi Yuusuf Cismaan iyo Ibraahim Cabdi Diiriye waxaana marka la dilayay ay wateen mooto.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!