spot_img
spot_img

Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay ‘nin dilay hooyadiis iyo walaalkiis’

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Baladweyn(Weheliye Online) Dagaalyahanada Kooxda Al-shabaab ayaa shalay galinkii dambe xukun dil qisqaas ah ku fuliyay nin la sheegay in uu toorey ku dilay Hooyadiis oo 73 jir ahed iyo wiil la dhashay,kaas oo ay horay u xukuntay Maxkamada Al-shabaab.

Dilkan qisaasta ahaa ee lagu fuliyey marxuum Maxamed Calow Cabdi ayaa waxa uu ka dhacay fagaare ku yaalla deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday degmada Jalalaqsi, kadib markii ‘gacan ku dhiiglaha’ la toogtay uu mindi ku dilay hooyadiis marxuumad Xaliimo Cismaan Cumar iyo sidoo kale walaalkiis Macalin Maxamuud Calasow Cabdi.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaciyey in ninka la toogtay uu soo dacweeyey walaalkiis Ibraahim Calasow Cabdi, isaga oo intaasi ku daray in gacan ku dhiigalaha uu qirtay inuu geystay dilka hooyadiis iyo walaalikiis oo uu mindi ku gowracay.

Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!