spot_img
spot_img

Akhriso:Saddexda qodob ee la isku mari la yahay Guddoomiye Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane:Maxamed Mursal oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka dalka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Labadiisa kuxigeen iyadoo kulamada qaar la isku fahmi waayay.

Saacado badan oo uu qaatay kulamada qaar ayaa ugu dambeeyntii la isku afgaran waayay kulan kugu dheeraa waxa uu dhax maray Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaaraha iyo Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu aad ugu dhagan yahay saddex qodob oo la sheegay inuu diiday inuu gorgorton ka galo Guddoomiye Mursal

Halkaan ka aqriso qodobada la isku mari la yahay

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii guddoomiyaha Baarlamaanka uu uga tanasuli lahaa qodobada uu ku dhegan yahay

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!