Akhriso:Magacyada wariyaasha Al-shabaab ee lagu dilay Jubada Dhexe.

Wakaalada Wararka  Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay magacyada qaar ka mid ah wariyaal ka howlgalayay idaacada ku hadasha codka Al-Shabaab ee loo yaqaano Al- Andulus.

Sida ay sheegtay SONNA magacyada wariyaasha lagu dilay duqeynta ayaa kala ah

Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan.

Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burburiyey Xaruntii Idaacadda  Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Malatariga Soomaaliya ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Hase yeeshee duqeyn shalay laga fuliyey duleedka magaalada Kismaayo ayaa dowlada Maraykanka ku sheegatay inay ku dishey in kabadan konton kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabab taas oo la xariirta duqeynta loo geystay xaruntii idaacada Andulus iyo wariyaasha la sheegay in lagu dilay duqeynta lala beegsada xarunta Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabab.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan