spot_img
spot_img

Akhriso:Halkee buu ku dambeeyay Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo,Maxa ka jira in gudoomiyaha BFS lagu ee deeyay inuu kala furfurayo xildhibaanadii Mooshinka Waday

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Mooshinka dhawaan laga keenay madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa sheegaya in shaki soo kala dhax galay xildhibaanada waday mooshinka iyo Gudoomiyaha Golaha Shacab.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxed shiikh Mursal ayaa kulankii ugu dambeeyay ee uu laqaatay Ra,isul wasaare waxa ay isku afgarteen in waxba kama jiraan laga soo qaado mooshinka laga keenay madaxweynah,Si xal loogu helo qilaafka keenay iney kala qeybsamaan Golaha shacabak.

Xildhibaanada keenay mooshinka ayaa si weyn uga soo horjeystay shakina ka muujiyay waxa uu damacsan yahay gudoomiyaha Golaha Shacabka.

waxana Shakiga ay qabaan sii xoojiyay markii uu gudoomiyaha baarlamaanka uu la kulmay Ra,isul wasaare kheyre kaas oo ay isku afgarteen arimo dhor ah.

Intaas ka dib gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanadii mooshinka ka keenay wadaxweynaha,Si uu uga qanciyo iney ka tanaasulaan mooshinka ay keeneen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gudoomiyaha uu heshiis xeer jajab ah uu la saxiixday Madaxweynaha,isagoo la filayo inuu go’aan uu kasoo saaro arinta mooshinka,kadib markuu qanciyo Xildhibaanada Mucaaradka.

Lama oga meesha ay ku dhamaan doonto arinta mooshinka laga keenay madaxweynaha,Waxana la filayaa in gudoomiyaha uu war kasoo saaro halka ay ku saldhi doonto.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!