spot_img
spot_img

Akhriso:Gudoonka Golaha Shacabka Oo Xal Ka Gaaray Khilaafkii U Dhaxeeyay iyo Qodobo ay ku Heshiiyeen

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Gudoonka Golaha shacabka ayaa maanta xaliyay khilaaf ka jiray dhaxdooda

Kulan wada jir ah oo ay qaateen gudoonka baarlamanka ayaa la sheegay in xal buuxda laga gaaray khilaafka baryahaan ka taagnaay Gudoonka .

Siyaasiin iyo Xildhibaano sheegtay iney dhex dhexaad ka yihiin khilaafka Baarlamanka ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney damiyeen xasaradii u dhaxeysay gudoonka.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah

  1. In la is cafiyo oo nin walba uu dib u liqo wixii u qbay.-In dib loo bilaabo howlihii Golaha shacabka.

2. In Baarlamanka laga dhaafo tafararuqa ,oo xildhibaanada la isku soo celiyo.

3. In guddi loo saaro waxyaabaha la isku hayo sida kala dirista guddiga maaliyada iyo mooshinka madaxweynaha.

4. In la joojiyo isticmaalka warbaahinta.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in guud ahaan lasoo afjaray murankii gudoonka sare ee Golaha Shacabka.

Heshiiska Gudoonka ayaa xal u noqon doono qilaaf ragaadiyay howlihii baarlamaanka,waxana la filayaa inuu si caadi ah uu ku soo laabto kal fadhiyadii Golaha Baarlamaanka .

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!