0 0

Akhriso:- Yaalaga sugayaa liiska xubnaha laga saarayo guddiyada Doorashada ee khilaafka dhaliyay iyo ciida soo gudbineyso xubnahaan.

Read Time:56 Second

Waxa maanta oo sabti ah taariikhduna ay tahay May-29 ku eg waqtigii loo qabtay in lagu soo gudbiyo liiska xubno ka mid ah Guddiga doorasho ee lagu muran san yahay,kuwaas oo la doonayo in laga saaro xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka,kadib heshiis wada ongol ah oo lagu gaaray maagalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddigii dhawaan qilaafka dhaliyay ee doorashada oo ay magacaabidooda ka dambeeyeen madaxda waqtiga ka dhamaaday farmaajo iyo agaasimaha NISA Fahad yaasiin
Ayaa lagu heshiiyay in laga saaro xubnaha ka tirsan dowlada iyo nabad sugida oo qeyb ka ahaa xubnaha la badalayo.

In kastoo aan la shaacin cidda soo gudbineyso xubnhan dooda laga qabao,lkn warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in ay isku xil saareen middowga Mushariinta ,waxana maanta lagu wadaa in ay maanta liiska xubnahaan u gudbiyaan Ra,isul wasaare Kheyre.

Xubnaha sida weyn farta loogu fiiqayo waxa koow ka ah
Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada dalka mudane
C/nuur maxamed axmed iyo xubno kale oo si weyn uga ag dhow farmaajo iyo teemkiisa,hadii ay fusho arintaan waxey ka dhigan tahay qodobkii ugu horeeyay oo lagu fuliyo waqtigiisa.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Related blog posts

error: Content is protected !!