spot_img
spot_img
0 0

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada la filayo iney maanta ka dhacdo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:45 Second

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka koofur galbeedSoomaaliya.

Shan musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, iyadoona Maalmo kahor ay hadaljeedintooda siyaasadeed ay ka horjeedeen Baarlamaanka Maamulkaasi.

Magaalada Baydhaboayaa xalay waxaa ka soconayay kulamo gooni gooni ah oo ay sameynayaan Musharixiinta Maamulka Koofur Galbeed, islamarkaana waxaa ayna la qaadanayeen Baarlamaanka Maamulkaasi.

MusharixiintaMaanta Tartamaya ayaa ka mid ah:-

1.C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

2. SayidMaxamed Ibraahim Daahir

3. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)

4. Ibraahim Macalin Nuur

5. Xuseen Cusmaan Xuseen.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo isugu jira itobiya, kuwa Booliska Soomaaliya, mana jiro dhaq dhaqaaq Ganacsi ooka socda Magaaladaasi.

Doorashada maanta ka dhacaysa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka maqan Mukhtaar Roobow kadib markii dhawaan ay ciidamada itoobiya ka soo qabteen Magaaladaasi, islamarkaana ay ku wareejiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!