spot_img
spot_img

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey xarunta Baarlamaanka Hirshabelle kuwa kalane Xariga ka jaray +sawiro

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Jowhar(iftinews network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale dhagax dhigey  Xarunta cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo xubnaha wafdiga ra’iisul Wasaare Kheyre.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!