spot_img
spot_img

Akhriso: Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha  Koonfur Galbeed oo khudbadooda jeedin doona

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxaa maanta Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  lagu wadaa in ay ka dhacdo hadal jeedinta Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Ku dhawaad saddax Muqshara ayaa lagu wadaa maanta iney jeediyaan khudbadahooda waxqabadka ka hor jeedin doona Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharaxiinta qudbadooda jeedin doonta waxa ay kala yihiin Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow oo u taagan qabashada xilka madax weyne KGS.

Waxa hadal jeedinta aan kasoo qeyb gali doonin musharaxa muqtaar roobow oo ay dowladda dhaxe  ay khamiistii kasoo xirtay magaalada Baydhabo.

Siyaasiin iyo wax garadka KGS ayaa xusul duub ugu jiro sidii uu xuriyadiisa u heli lahaay muqtaar roobow ,si uu ugu tartamo doorasha hadal jeedinteeda bilaabatay .

Dhanka kale Guddiga doorashadda KGS ayaa dhagaha ka fureystay in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada,kadib markii Musharixii ugu saameynta badnaa xabsiga la dhigay.

Amaanka Magaaladda Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga iska kaashanaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethopia.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!