Akhriso: Mancehster United Ku Sii Siqeysa Saxiixa Jerome Boateng Iyo SABAB La Yaab Leh U Iibineysa

Manchester United waxa ay wadaxaajood kula jirtaa Bayern Munich si ay ugala soo wareegto Jerome Boateng – laakiin kooxda Bundesliga ma iibin doontaa xiddiggeeda.

Jose Mourinho waxa uu caddeeyey in uu la soo saxiixan doono daafac dhexe waxaana lagu wadaa in Boateng uu £45million ugu soo laabto England.

Hase ahaatee, sabab la yaab leh ayey Bayern u iibineysaa daafeceeda.

Sida laga soo xiganayo jaraa’id ka soo baxa Germany, Bayern waxa ay u iibineysaa sabab la xiriirtaa xiriirka ganacsi ee uu Boateng la leeyahay fanaanka caanka ah ee reer Mareynkan  Jay-Z.

Boateng waxa uu noqday xiddigii ugu horreeyey ee ee kubadda cagta ciyaara oo heshiis la saxiixda Roc Nation Sports oo ah shirkadda suuq geynta ee Jay –Z taas oo ku caan baxday heesaha.

Xiriirkaas waxa durbadiiba ka xanaaqay maareeyaha Bayern Karl-Heinz Rummenigge waxa ayna horseedday hadallo kulul oo ka soo yeeray maareeyaha kulankii Rostov oo ay 2-0 guuldarro la kulantay Bavaria laba sano kahor.

Boateng kaas oo si liidata u dheelay kulankaas, waxa uu u jawaabay Rummenigge   isaga oo ku qoslay uun.

Mancehster United waxa ay si ba’an ugu raad jogtaa daafac dhexe.

 

About A.Hussein 1137 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan