spot_img
spot_img

Akhriso: Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax mar kale u taagan xilka madaxweynaha Puntland

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxa maanta rasmiah ugu dhawaaqay in uu markale u tartamayo xilka madaxweynaha maamulka Puntland Madaxweynaha waqtigiisu uu sii idlanayo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta si rasmiah magaalada Garoowe waxaa uu kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha.

Mr Gaas ayaa soo bandhigay wax qabadka  xiligii uu hoogaminayay maamulkaas,waxana uu markale baarlamaanka puntland ka codsaday iney doortaan,si uu hogaamiyo Maamulka Puntland.

Munaasabada uu ku qabtay Garoowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Madaxweynaha  Puntland ayaa la doortay 8 Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii, mudo dhan 5 sano ayuu ahaa hogaamiyaha maamulka Puntland .

In ka badan 30 Musharax ayaa xiligan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhamaantooda doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Amaanka Puntland ayaa aad loo adkeeyay,waxana sidoo kale heegan la galiyo Ciidamada Puntland si ay u sugaan amaanka guud ee puntland taas oo wajaheyso doorashada Madaxweynaha.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!