spot_img
spot_img

Akhriso:-Jadwalka Doorshada Soomaaliya oo la soo saaray

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Shirkii u dhaxeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada ee ka socday magaalada Muqdisho, ayaa lagu heshiiyay jadwalka doorashooyinka labada aqal iyo tan madaxweynaha ee dalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu shaaciyay in 10 bisha October ee sannadkaan ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhammeystiran.

Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada.

Jadwalka Doorashada

1-Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Guddiyada Doorashadda (30 June – 05 July 2021)

2-Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3-Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada (23 July 2021)

4-Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5-Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6-Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7-Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

– Goluhu oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!