0 0

Akhriso:-Isbedel lagu waddo in lagu sameynayo jadwalkii doorashada ee horey loo dejiyey + Sababta

Read Time:1 Minute, 23 Second

Muqdisho(weheliye Online)-Warar hoose oo ay heshay shabakada wararka ee weheliye.com ayaa sheegaya in shirka uu Ra’isul wasaare Rooble shaaciyay in uu dhacayo maalinta sabtida ee ay iskugu imaanayaan madaxda Dowlad goboleedka Dalka in lagu waddo in wax ka badal lagu sameyn doono jadwalka doorashada Dalka.

Shirka Sabtida ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay madaxda kaga wada-hadli doonaan howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan oo qaarkood muddo dhaaf ku imaaday.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qorsheynaya in shirka Sabtida uu madaxda usoo bandhigo in muddo cusub lagu daro middii hore loo cayimay ee dhigeysay in doorashada ku qabsoomto 60-maalmood gudahood.

Soo jeedinta xafiiska Rooble oo maan-gal ah ayaa u muuqaneysa xiligan in madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku raaco, maadama uusan xiligan jirin khilaaf weyn oo sababi kara in madaxdu ay ka hor-imaadan muddo kordhinta jadwalka doorashada.

Sida uu dhigayo Jadwalkii ay kal hore soo saareen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran waxa ku cadaa in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana hadda ka baxay in ku dhow soddon cisho.

Jadwalka cusub ee doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah loogu soo saari doona shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imaanayaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, ayada oo ay weli jiraan caqabado kooban oo ku hor-gudban, kuwaasi oo qaarkood laga gudbay, isagoona ku guuleystay dib usoo celinta kalsoonidii dhinacyada isku hayey doorashada


X:-Weheliye Online + Caasimada Online.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Related blog posts

error: Content is protected !!