spot_img
spot_img

Akhriso: Haddii Ay Burburto Riyadiisa Ah Inuu U Wareego Real Madrid, Kooxdee Ayuu Eden Hazard Uga Dhaqaaqi Doonaa Chelsea?

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Xidiga heerka caalami ee Eden Hazard ayaa wali ka meer meeraya in uu inuu qalinka u qaato heshiis cusub oo uu u saxeexo kooxdiisa,si uu sanado badan usii joogo  garoonka Stamford Bridge.

Xidigaan ayaa lala xariirinayaa in uu  hilaac dheer uu uga baxaayo dalka Spain gaar ahaan Real Madrid oo si weyn loola xidhiidhinayo.

Inkastoo uu horay in uu kooxdiisa uu ku qasbi doonin in ay iibiyaan,Hadane waxa cad in uu ciyaaryahanka uu qandaraaska uu kula jooga kooxdiisa aanu cusbooneysiineeynin ,
Taas ayaa Blues ku qasbi doonto  inay iibiso ka hor inta aanu dhamaanin heshiiskiisu ee aanu si xor ah uga tegin.

Maalmo ka hor warbaahinta dalka Spain ayaa tebiyey in Hazard uu heshiis isfaham ah la gaadhay Real Madrid, laakiin ma jirto wax caddaynaysa oo ku saabsan warkaas, hase yeeshee, waxa burburi kara damaca Los Blancos ee xiddiga reer Belgium iyo isaga riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Bernabeu, haddii ay soo baxdo fursad lagu heli karo xiddigaha PSG ee Neymar iyo Mbappe oo ay Real Madrid ka doorbidi doonto.

Kooxda difaacanaysa Champions League ee Real Madrid ayaa waxay si dhow ula socotaa xaaladda PSG iyo baadhitaannada la tuhunsan yahay in UEFA ay ku samayn doonto, taas oo kellifi karta inay iibiso Neymar amaba Mbappe si ay uga baxsato ciqaab.

Haddaba, maxaa dhici kara haddii Hazard ay ka burburto riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu?

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Eden Hazard waxa uu ka degi doonaa PSG oo horeba ula soo samaysay xidhiidh.

Bishii November ee sannadkan, telefishanka beIN Sports, ayaa waxa uu sheegay in Hazard iyo PSG uu dhex maray xidhiidh, ayna ka wada hadleen sidii uu ugu biiri lahaa kooxda reer France.

Si kastaba ha ahaatee, lama filayo in Hazard uu meelna tago suuqa jiilaalka ee hadda furmay, waxaase la eegi doonaa xagaaga inuu qaato go’aan uu kusoo gunaanadayo waayihiisa Chelsea.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!