-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Akhriso: Gudoomiye Mursal oo mar kale go’doon ku noqday Hotel Shabeel

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:40 Second

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali uu ku jiro go’doon,islamarkaana wali loo diidan yahay Xildhibaanada in ay soo booqdaan Gurigiisa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wali xildhibaanada loo diidan yahay in ay kasoo gudbaan Kontoroolada laga soo galo Hoteelka Shabeel oo dhawaan uu degay markii uu ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, Maadaama uu sheegay in xukuumadda Caburin ku heyso.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay baalmartay Sharciga iyo kala dambeynta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyadda.

xigasho:https://radiorisaala.com

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!