spot_img
spot_img

Akhriso :Gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Bulo-burde xilka la wareegay, iyo masuuliyiin ka hadashay ?

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxa maanta dagmada Degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ka dhacday munaasabad uu xilka uu kula wareegayo Guddoomiyaha cusub Degmada Buuloburte C/casiis C/llaahi Cabdi Duurow

kadib markii loo magacaabay Xilkaan 19-kii bishan December ee 2018.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele,iyo wax garadka deegaanka,Masuuliinta xilil kala duwan uga soo qobtay dagmada,Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Gudoomiyihii hore ayaa bogaadiyay sida ay shacabka dagmada ay ula shaqeeyeen xiliga uu maamulkiisa uu joogay xafiiska waxanu tilmaamay in lala shaqeeyo Gudoomiyaha Cusub.

Gudoomiyaha Cusub ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono oo ay ka midtahay caafimaadka, waxbarashada iyo Amniga.

Xilwareejinta maanta oo aheyd mid si heersare loo soo agaasimay ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay isku raceen in si Wanaagsan ay ula shaqeyndoonaan Gudoomiyaha Degmada Mudane Cabdicasiis Duurow

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!