
Waxa maanta la filayaa in uu shir jaeaa’aad uu qabto Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan asagoo kaga hadli doona xaalada Dalka uu marayo.
Gudoomiye mursal ayaa shirkiisa jaraa’id uu kaga hadli doona halka uu maryo mooshin dhawaan laga keenay madaxweyne Farmaayo iyo wararka bara bulshada la isla dhax maray oo sheegayaa in gudoomiyaha uu xabsi guri ku yahay Muqdisho iyo qodobo kale
Inta badan warbaahinta ayaa lagu wargaliyay in ay kasoo qeybgalaan shirka jaraa’id ee uu Gudoomiya uu qaban doonoo.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkaan gudihiisa Guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana tan iyo markaas jirey caburin lagu hayay Xildhibanadda iyo Gudoomiyaha
Mooshinkaan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee laga keeno madaxweynaha iyadoo dadka falaqeeya siyaasada ay sheegayaan in mooshinkaan farmaajo caadaadis lagu saarayo in uu badalo ra’isul wasaare kheyre kaas oo caburin xoogleh ay kala kulmeen siyaasiin iyo xildhibaano.