Akhriso: Faafaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Qaraxii Hawl-wadaag (sawiro)

warar dheeraad ah oo kasoo baxay Qaraxii goordhaweed ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta degmada Howl-wadaag ayaa waxa ay sheegayaan, in 3 qof ay geeriyoodeen, tirada dhaawacana aan wali sir rasmi ah loo ogeyn, sida uu warbaahinta usheegay Afhayeenka gobolka Banaadir.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Hawl-wadaag, sida uu afhayeenku sheegay.

Dadka ay waxyeelladu soo gaartay waxaa kamid ah arday ku sugneed dusgi Qur’aan ka ag dhawaa xarunta degmada Hawl-wadaag ee la weeraray.

Guud ahaan dhismayaashii goobta qaraxu ka dhacay ka ag dhawaa burbur lixaad leh ayaa soo gaaray, sida ay muujinayaan sawirro warbaahinta bulshada lagu faafiyay.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan