Abdiraxmaan A.warsame “labada gudi doorasho ee maamulada Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan Hay’ada NISA”

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir party Abdiraxman Abdishakuur warsame ayaa shaaciyay in Gudiyada Dorashada Hirshabelle iyo Galmudug ay badankooda ka yimaadeen Hay’ada Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda…”ayuu sheegay siyaasiga Abdiraxman A.Warsame oo si cadd u sheegay in uu soo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda .

Dhanka kale siyaasiga Abdiraxman A.Warsame ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga heer Federaal ay u badanyihiin taageerayaasha madaxweyne farmaajo ka taageeri jiray baraha Bulshada

“Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah.”ayuu khoraalkiisa ku sheegay.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan